Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlad Goboleedka Koonfur
Galbeed Soomaaliya ayaa maanta Tababbar Indho-fur ah (Induction Training) u
qabtey Shaqaale cusub oo dhawaan loo qaatey qaar ka mid ah Hay’adaha DGKGS.
Furitaanka Tababarkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimiyaasha
Waaxyaha Guddiga iyo Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha rayidka DGKGS, Md:
Sharmarke Mohamed Kulow,
Ujeedada laga leeyahay aqoon kororsigaan ayaa waxaa ay
tahay sidii Shaqaalaha cusub Hay’adaha Dowladda loogu sharxi lahaa arrimaha la
xariira shaqaalaha rayidka ee Dowladda ah
Si awood loogu siiyo inay shaqadooda ugu gutaan si
gaarsiisan heerka loogu baahan yahay, iyo in sharaxaad waafi ah laga siiyo
Wasaaradaha ay ka shaqeeyaan isla markaana la hubiyo inay ka warqabaan
Xeer-nidaamiyeyaasha, Siyaasadaha u degsan Shaqalaha rayidka ah ee dowladda.
Nooca Tababarkaan ayaa la siiyaa dhammaan shaqaalaha
cusub oo loo qaato in ay ka mid noqdaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda bisha
ugu horreysa marka shaqada loo qaato, waxaana inta badan bixiya Waaxda
Siyaasada, Diiwaanka iyo ilaalinta mudnaanta Guddiga.
Guddoomiyaha Guddiga Md. Sharmarke Mohamed Kulow oo furay
tababarkan ayaa kula dardaarmay shaqaalaha kala duwan ee ka socda hay’adaha
dowladda in ay ka faa’iideystaan tababarkaan qiimaha badan mudada halka Maalin
ah.
Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta Tababbar Indho-fur ah (Induction Training) u qabtey Shaqaale cusub oo dhawaan loo qaatey qaar ka mid ah Hay’adaha DGKGS.
Furitaanka Tababarkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimiyaasha Waaxyaha Guddiga iyo Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha rayidka DGKGS, Md: Sharmarke Mohamed Kulow,
Ujeedada laga leeyahay aqoon kororsigaan ayaa waxaa ay tahay sidii Shaqaalaha cusub Hay’adaha Dowladda loogu sharxi lahaa arrimaha la xariira shaqaalaha rayidka ee Dowladda ah
Si awood loogu siiyo inay shaqadooda ugu gutaan si gaarsiisan heerka loogu baahan yahay, iyo in sharaxaad waafi ah laga siiyo Wasaaradaha ay ka shaqeeyaan isla markaana la hubiyo inay ka warqabaan Xeer-nidaamiyeyaasha, Siyaasadaha u degsan Shaqalaha rayidka ah ee dowladda.
Nooca Tababarkaan ayaa la siiyaa dhammaan shaqaalaha cusub oo loo qaato in ay ka mid noqdaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda bisha ugu horreysa marka shaqada loo qaato, waxaana inta badan bixiya Waaxda Siyaasada, Diiwaanka iyo ilaalinta mudnaanta Guddiga.
Guddoomiyaha Guddiga Md. Sharmarke Mohamed Kulow oo furay tababarkan ayaa kula dardaarmay shaqaalaha kala duwan ee ka socda hay’adaha dowladda in ay ka faa’iideystaan tababarkaan qiimaha badan mudada halka Maalin ah.