Ujeedada laga leeyahay aqoon kororsigaan ayaa waxaa ay
tahay sidii Shaqaalaha cusub Hay’adaha Dowladda loogu sharxi lahaa arrimaha la
xariira shaqaalaha rayidka ee Dowladda ah
Si awood loogu siiyo inay shaqadooda ugu gutaan si
gaarsiisan heerka loogu baahan yahay, iyo in sharaxaad waafi ah laga siiyo
Wasaaradaha ay ka shaqeeyaan isla markaana la hubiyo inay ka warqabaan
Xeer-nidaamiyeyaasha, Siyaasadaha u degsan Shaqalaha rayidka ah ee dowladda.
Nooca Tababarkaan ayaa la siiyaa dhammaan shaqaalaha
cusub oo loo qaato in ay ka mid noqdaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda bisha
ugu horreysa marka shaqada loo qaato, waxaana inta badan bixiya Waaxda
Siyaasada, Diiwaanka iyo ilaalinta mudnaanta Guddiga.
Guddoomiyaha Guddiga Md. Sharmarke Mohamed Kulow oo furay
tababarkan ayaa kula dardaarmay shaqaalaha kala duwan ee ka socda hay’adaha
dowladda in ay ka faa’iideystaan tababarkaan qiimaha badan mudada halka Maalin
ah.